Sawiiro:Axmed Madoobe Oo Eedeyn Culus U Jeediyey Madaxda Dowladda Somalia

0
23

Madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa uu dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose,iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyey.

Axmed Madoobe ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa uu ku sugnaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya,isaga oo kulamo kala la qaatay Siyaasiyiin Magac ku leh Soomalaiya iyo Xubno ka tirsan Beesha Caalamka.

Warbaahinta ayuu kula hadlayay Garoonka diyaaradaha Kismaayo,waxaana uu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ku guul darraysatay isku wadidda siyaasadda dalka, sido kalena sheegay in dadka reer Jubbaland marxalado kala duwan soo mareen muddooyinkii laso dhaafay laakiin hadda ay xaaladdu marayso meel wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here