Sarkaalkii Caddaanka ahaa ee dilay Ninka Madow ee George Floyd oo ugu danbeyn la xiray

0
34

Sarkaalkii Booliska ee Caddaanka ahaa, kana danbeeyay geerida ninkii madowga Mareykanka ahaa ee magaalada Minneapolis, dalka Mareykanka ayaa la xiray kadib saddex maalmood oo xiriir ah markii ay socdeen bannaanbaxyo rabshado wata oo ka dhashay dilkii George Floyd.

Sarkaalka Booliska ee caddaanka ah Derek Chauvin ayaa la sheegay in goor dhoweyd las oo xiray iyadoo hore shaqada looga ereyay afar sarkaal oo Boolis ah oo uu ku jiro oo qeyb ka ahaa dilka Ninka Madowga ah ee George Floyd.

Xeer ilaaliya degaanka Hennepin Mike Freeman oo sharci u leh inuu amarka xariga sarkaalkaasi hore bixiyo ayaa la filayaa inuu shir jaraa’id qabto dhowaan, isagoo faahfaahin doona xaaladda.

Derek Chauvin oo ka tirsanaa Booliska Minneapolis ayaa loo heysaa dilka George Floyd oo ahaa nin madow markii uu laba dible u xiray kadibna Jilibkiisa qoorka uga riixay ilaa uu neefsan waayey, taasoo markii danbe uu geeriyooday.

Denbiga lagu soo oogay sarkaalka Booliska ayaa ah ‘Dil aan ulakac ahayn’, waxaana dacwadda laga qoray ay muujineysaa in kiisku fudud yahay isla markaana aad uga hooseeyo wixii ay dalbanayeen dadka bananabaxaya oo ah ‘Dil ulakac ah’.

Rabshado lagu dalbanayo cadaalad, loogana horjeedo dilka Ninka Madowga ah ayaa ka socda Minneapolis iyo magaalooyinka kale ee Mareykanka, waxaana dab la qabadsiiyey saldhigii Booliska iyo dhismooyin waaweyn, iyadoo bililiqo iyo boob balaaran uu dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here