Saraakiil loo xiray sedexdii maxbuus ee la sheegay in ay ka baxsadeen xabsiga dhexe ee xamar

0
17

War soo baxaya ayaa sheegaya in Taliska ciidanka asluubta soomaaliyeed ay xabsiga dhigeen saddex sarkaal iyo askar tiradooda aanan la sheegin, kuwaasi oo loo heysto saddex maxbuus oo la sheegay in maalmo ka hor ay ka baxsadeen xabsiga dhexe ee xamar.

Ragga baxsaday ayaa la sheegay inay ku xakumanaayeen xabsiyo dhaadheer kaddib markii lagu eedeeyay kamid ahaanshiyaha Al-shabaab iyo dhibaatooyin ay ka geysteen gudaha dalka.

Saraakiisha la xiray ayaa la sheegay inuu ku jiray taliyaha heegganka heystay habeenkii ay baxsadeen saddexda maxbuus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here