Saraakiil iyo dagaal-yahano ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu laayey Jubbada Dhexe

0
15

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in duqeymo xoog leh ay xalay ka dhaceen degmooyinka Jilib iyo Bu’aale oo ka wada tirsan gobolkaas.

Duqeymahaas ayaa la sheegey in bartilmaameedkoodu ahaa goobo lagu tababarayey dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, waxayna duqeynta ugu cusleed ka dhacday xaruun tababar oo ku taalla inta u dhaxeysa Jilib iyo deegaan lagu magacaabo Hargeysa Yarey, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan wardoonka Soomaaliya

Saraakiisha u hadashay militeriga Soomaaliya oo soo xiganaya ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegay inay ogaadeen in xilliga duqeymahaasi ay dhacayeen xarunta la beegasaday ay socatay muxaadaro lagu dhiira galinayey ciidanka Al-Shabaab oo tababarkoodu uu marayey meel gabo-gaba ah.

Sidoo kale saraakiil ajaanib ah oo tababarkaas bixineysay ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen xarunta la beegsaday, kuwaas oo la aaminsanyahay in lagu laayey duqeyntaas.

Dhinaca kale Degmada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa la sheegay in duqeyn ka dhacday lagu beegsaday sarkaal sare oo ka tirsanaa tababarayaasha Amniyaadka Al-Shabaab, kaas oo lagu beegsay guriga uu ka deganaa degmada Bu’aale.

Saraakiisha ka tirsan wardoonka militeriga Soomaaliya ee noo waramay ayaa sheegay in duqeymahaas ay geysteen diyaarado laga leeyahay dalka Faransiiska, waxay sarkaalka lagu dilay Bu’aale beegsadeen daqiiqado uu kadib markii uu galay gurigiisa.

Sargaalkaas ka tirsanaa taba-barayaasha Amniyaadka Al-Shabaab ayaa magaciisa lagu sheegay Macalin Yoonis Karaama, waxaana Al-Shabaab looga dhex yaqaanay Abuu Cuteyba, iyadoo duqeyntii lala beegsaday gurigiisa lagu laayey 12 dagaalame oo ilaalo u ahaa.

Ugu danbeyntii sargaalkiishaan ayaa sheegay in howlgalkaas ay iska kaashadeen Sirdoonka Soomaaliya iyo kan dowladda Faransiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here