Sanetor Dhagey oo ka hadlay Wiil dhalinyaro ah oo ay dileen Ilaaladiisa

0
4

Senetor Yuusuf Geelle Dhagey oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa ka hadlay dil maanta Magaalada Dhuusmareeb ay ugu geysteen Ilaaladiisa wiil dhalinyaro ah.

Waxaa uu tacsi u diray Ehelka Wiilka dhalinyaradda ah ee ay dileen Ciidankaasi, waxaana uu sheegay in Hay’addaha Ammaanka ku wareejiyay Askarigii dilka geystay.

“Alle ha u naxariisto shaafici Xaaji Diiriye oo ku geeriyooday maanta Dhuusamareeb, waxaan kaga tacsiyeeynayaa geerida Marxuumka, qoyskiisa, eheladiisa iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed,Ugu dambeyn waxaan halkaan ka cadeeynayaa in aan hay’adaha amniga ku wareejiyay falkaa foosha xun cidii u geysatay marxuumka cadaalada loo marsiin doona” ayuu yiri Senetor Dhagey.

Ninka dhalinyarada ah ayaa lagu Magacaabi jiray Shaafici Xaaji Diiriye,waxaana uu ka mid ahaa dhalinyaradda sidda weyn looga yaqaanay magaalada Dhuusamareeb.

Marxuumka la dilay ayaa watay gaari nooca raaxadda ah, waxaana la sheegay in ay rasaas ku fureen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here