Sanbaloolshe: Farmaajo mudada uu dastuurka ogolyahay kuma soo magacaabin Raaisal wasaaraha

0
5

Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa Madaxweynaha Somaliya ku dhaliilay inuu ku xadgudbay dastuurka.

Taliyihii hore ee NISA ayaa sheegay inaanu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku soo magacaabin Ra’iisal Wasaaraha soo socda, mudada uu dastuurka u ogolyahay ee soddonka maalmood.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa 25-kii bishii Luulyo kalsoonidii kala laabtay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Xukuumadda, Xasan Cali Khayre, waxayna ahayd in Ra’iisal Wasaaraha xigga la soo magacaabo ugu dambeen 25-kii bishan August.

Taliyihii hore ee NISA ayaa mar uu ka hadlayay waxa keenay dib u dhaca ku yimid magacaabidda Ra’iisal Wasaaraha cusub waxa uu yiri “Farmaajo wuxuu raadinaya Ra’iisal Wasaare gadaal indho ku leh.”

Sanbaloolshe oo ka soo muuqday Warbaahinta gudaha ayaa Madaxweyne Farmaajo ku dhaliilay inaanay siyaasadiisu sax ahayn, isla-markaana uu dulminayo mid ka mida beelaha Soomaaliyeed, oo dabcan uu ugala jeedo Beelweynta Hawiye.

“Kursiga Ra’iisal Wasaaraha waa bannaanyahay, micnaheedu Hawiye ayaa miiska siyaasadda iyo talada ka maqan. Madaxweynaha waxa uu dulminayaa qabiil gaar ah, sidaasina sax maaha.” Ayuu yiri Sanbaloolshe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la xusuustaa in 25-kii bishii Luulyo uu aqbalay kalsooni kala noqoshadii Xukuumaddii Khayre, waxaana uu xilligaa ballanqaaday in si deg deg ahi ku soo magacaabi doono Ra’iisal Wasaaraha 2aad.

Mudadaasi dalka maanu lahayn wax Ra’iisal Wasaare ah, waxaana si ku-meel-gaar ahi shaqada u sii wada Kusimaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here