Safiirka Talyaaniga u joogay DRC oo la dilay

0
4

Safiirkii Talyaaniga u joogay dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Koongo ayaa lagu dilay bariga dalkaasi sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Talyaaniga.

Dilka ayaa yimid kadib markii weerar lagu qaaday kolonyo gaadiidka Qaramada Midoobay ay leedahay oo marayay magaalada Kanyamahoro.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay bariga dalka Jamhuuriyadda dimoqraadiga ee Koongo, taas oo loo soo gaabiyo DRC.

Sida laga soo xigta Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Talyaaniga Danjire Luca Attanasio, ayaa markii hore dowladda Talyaaniga u qaabilsanaa madaxa howlgallada Kinshasa tan iyo 2017 balse snaadkii 2019 ayaa laga dhigay safiirka Talyaaniga u qaabilsan dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Koongo .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here