Safiirka Mareykanka ee QM oo ku eedeeyay Farmaajo in uu ciidan si sharci darro ah u geeyay Gobolka Gedo

0
20

Safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay oo caawa ka hadlay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay aya cod dheer ku sheegay in aanan loo dulqaadan karin in Madaxweyne Maxamed Farmaajo uu ciidan u diro gobolka Gedo halkii ay la dagaalami lahaayeen kooxda Shabab.

Safiirka ayaa sheegay in ciidanka dowladda aanan loo isticmaali karin in uu Madaxweyne Farmaajo kula dagaalo hoggaanka Jubbaland, balse looga fadhiyo in ciidankaas sida ugu dhaqsaha badan looga soo celiyo gobolka Gedo si aay uga xorreeyaan kooxda Shabab gobolada Shabeelooyinka.

Waxaa sidoo kale ka hadlay shirka maanta wadamada Mareykanka, Ingiriiska, Ruushka, Jarmalka, Dominican Republic, Malaysia, Estonia, Vietnam Tuniisiya, Belgium waxayna dhammaantood hoosta ka xariiqeen in Somalia ay soo dhaweeynayaan doorashada 2020/21 iyo in wax lagu doorto nidaamka qof iyo cod, balse waxay sheegeen in wakhti xaadirka aanay suurta gal ahayn doorasho qof iyo cod ah balse laga rabo hoggaanka dalka in aay raadiyaan dib u heshiisiin waarta oo dhex marta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here