Taliyaha ciidamada Booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan oo inta badan dadka u yaqaaniin ” Saadaq Joon” ayaa raali gelin siiyay C/raxmaan C/shakuur Warsame oo hadda ka hor uu gurigiisa weerar ku qaaday askarna uu ka laayay.
Ilo xog ogaal ah oo ku dhow Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa inoo sheegay in Saadaq Joon uu raali gelin ka bixiyay weerarkii Bishii December 2017-kii lagu qaaday guriga Xisbiga Wadajir oo uu markaas ku sugnaa Hoggaamiyahooda CC Shakuur Warsame,wuxuuna qirtay inuu weerarkaas ku lug lahaa,islamarkaana uu ka garaabay.
Marka laga soo tago raali gelinta,ma jiro war intaasi dhaafsiisan oo laga helay warkaas,waxaana weerarkaas ku lagu dilay lix askari oo ka tirsanaa ilaalada gaarka ah ee C/raxmaan C/shakuur Warsame.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa marar badan warbaahinta ka sheegay inuu Beesha caalamka u gudbiyay dacwad ka dhan ah Saadaq Joon iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalkaa oo ku lug lahaa weerarkaas.
Dowladda Federaalka ayaa cadeysay in diyo laga bixiyay dhiiga askartii la laayay lana siiyay qoyskooda,waxaana arrintaas xalinteeda ku baxay Waxgaradka Soomaaliyeed gaar ahaan waxgaradka Muqdisho.