MW Farmaajo aya bishan November 17 u magacaabay wakiilka gaarka ah ee Soomaaliya ee u qaabilsan Arimaha Geeska Africa, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Magacaabiddan aya waxa ay ka dhigeysaa howl gab Wasiirka Arrimaha Dibadda, maadaama ay wasaaradda arrimaha dibadda qaabilsan tahay dhammaan arrimaha xiriirka caalamka.
RW Kheyre aya qorsheynayay in maalinta berrito ah uu u magacaabo Wasiirka Arrimaha Dibadda, safiirka Soomaaliya u fadhiya ururka midowga Yurub, Dr. Cali Saacid Fiqi sida Tebiye News ay u xaqiijiyeen howl wadeenno ka tirsan xafiiska RW Kheyre.
MW Farmaajo aya ogaaday in Ra’isul Wasaaraha damacsan yahay in uu bedelo Axmed Ciise Cawad aya Balal Cusmaan si dadban ugu magacaabay in uu isaga la wareego dhammaan arrimaha xiriirka dibadda ee wadamada Khaliijka, Bariga Afrika & Gacanka cadmeed.
Magacaabidda aya si kulul waxa uga hor yimid RW Xasan Cali Kheyre wuxuuna ku tilmaamay in ay tahay sharci darro, iyo eex qabiil.
aya la xiriirtay howlwadeenada Madaxtooyada si ay wax uga weydiiso waxaana u dirnay dhowr farriimood. Waa ay ka gaabsadeen in ay tafaasiil ka bixiyaan.
MW Farmaajo aya shaqsigii 39 oo ay isku beel yihiin u magacaabay jagooyin sare tan iyo markii uu xukunka dalka la wareegay 8 Febraayo sanadkii 2017.
