Waxaa maanta la shaaciyey tababaraha ku guuleystay abaal-marinta macallinka ugu fiicnaa horyaalka Premier League bishii la soo dhaafay ee April.
Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ku guuleystay abaal-marinta macallinka bisha April ee horyaalka Premier League.
Hoggaamiyaha kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa abaal-marintan ku garaacay tababareyaasha kula tartamayey sida macallinka Liverpool ee Klopp, tababaraha kooxda Fulham ee Scott Parker iyo Layliyaha naadiga Wolverhampton Wanderers ee Nuno Espirito Santo.
Guardiola ayaa markiisii labaad xilli ciyaareedkan ku guuleystay abaal-marinta macallinka bisha ee horyaalka Premier League, waxaana uu abaal-marinta ka fara-marooqsaday Klopp oo bishii Maarso ku guuleystay abaal-marintan bisha April-na kula tartamayey.