Daafaca heerka caalami ee xulka qaranka Uruguay Diego Godín ayaa shir jaraa’id uu qabtay kaddib duhurnimada maanta oo Talaado ah, wuxuu ku shaaciyay inuu ka tagayo kooxda Atletico Madrid, kaddib mudo dhan 9 sano uu soo difaacay.
Diego Godín ayaa u safri doona horyaalka Talyaaniga, wuxuuna xiran doonaa maaliyada kooxda Inter Milan seddexda xilli ciyaareed ee soo aadan, iyadoo si rasmi ah loogu dhawaaqi doono arintan waqtiyada dhow ee soo aadan.
Xiddiga reer Uruguay ayaa shir saxaafadeedkan ku qabtay howlka shirarka ee garoonka Wanda Metropolitano, wuxuun ug mahadceliyay madaxweynaha, tababaraha iyo dhamaan asxaabtiisa guulihii uu lasoo gaaray sanadihii uu ku sugnaa.
“Aad ayaan u walwalsanahay, laakiin waxaan doonayaa inaan u mahadceliyo qof walba, asxaabteyda, tababarayaasha, halyeeyada, hogaamiyayaasha, iyo qoysaska halkan ku sugan, waxaan doonayay inaan ka hadlo jaceylka aan u hayo maaliyadan oo aan ixtiraamo kooxdaan”.
“Mudada aan halkan joogay, waxaan dareemayay in Atletico Madrid ay ahayd sida qoyskeyga iyo gurigeyga oo kale, waxaan halkan u joogaa inaan u mahad celiyo qof walba, marna uma malaynaynin in waqtigaan oo kale uu imaan doono, waan ku raaxeysatay, waana ku soo barbaaray halkan, waxaana ku bartay sida nafta loo huro, sidoo kale dul qaadka, qabashada shaqo adag iyo ixtiraamka kooxda kaa soo horjeeda”.
Dhinaca kale madaxweynaha kooxda Atletico Madrid Enrique Cerezo ayaa ka hadlay bixitaanka Diego Godín wuxuuna yiri:
“Diego Godín wuxuu na caawiyay waqtiyo aad u adag, Atletico waa qoyskaaga, waxaana kuu sheegayaa si daacadnimo ah, waad ku mahadsantahay wax walba ee aad noo qabatay, waxaana kuu rajeyneynaa mustaqbalka kan ugu fiican”.
“Maalinta Axada waxaa kuu sacbin doono dhamaan taageerayaasha, waan kugu faaneynaa sababtoo ah waxaan ognahay waxa aad noo qabatay”.