Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa ugu horreyn ka hadlay heshiiskii ay gaareen madaxda dalwadda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee ku saabsan doorashada Soomaaliya. Waxa uu sheegay inay Soomaaliya ka go’antahay qabashada doorashada baarlamaanka dabayaqaada sannadkan, iyo doorashada hoggaanka horraanta sannadka soo socda.
”Waxaa naga go’an in aan qabanno a doorasho xor ah, isla markaana ku dhacda waqtigeedii, waxaan ilaalin doonnaa qoondada haweenka ee baarlamaanka oo ah 30%, ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Rooble.
Guddi gaar ah ayuu sheegay in uu saaray dejiya tubta loo marayo doorasho qof iyo cod ah oo waddanka ka dhacda 2024/2025, waxaana uu sheegay in ay durba soo gudbiyeen qoraal qabyo ah kaasi oo la hordhigi doono Golaha Wasiirrada.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inay dawladdu Baarlamaanka u gudbin doonto xubnaha guddiyada la dagaalanka musuq-maasuqa iyo guddiga xuquuqda aadanaha.