RA’ISUL WASAARAHA DALKA AYAA KORMEER KU SAMEYEY QEYBO KATIRSAN MAGAALADA MOGADISHO

0
13

Gelinkii hanbe ee xaley ayaa laga soo waramaaya in Ra’isul wasaaraha dalka mudane Xasan Cali Kheyre  kormeer balaaran kusameyey qeybo kamid ah xaruumaha hogaanka booliska gobolka banadanir,

Booqashada ra’isul wasaraaha ayaa lasheegey in uu ugu kuur galeyey xaalada amni ee caasimada iyo hanaanka uu ushaqeeyo ciidamada booliska, intuu booqashada kujirey Ra’isul wasaaraha ayaa wuxuu kormeer  guud kusameyey qaybaha teleefoonada numberka gaaban ee dad weynaha wuxuuna Ra’isul wasaaraha bogaadiyey dhalinyarada kahowl gasha halkaasi.

Mudane xasan cali kheyre ayaa ciidanka booliska kula dardaarmey in ay xoojiyaan amaanka caasimada bisha barakeysan ee ramadaanka awgeeda, si shacabka soomaaliyeed ugu fududaato in ay gutaan waajibaadka bishan soonka ee barakeysan isla markaana dadka muslimiinta soomaaliyeed si wanaagsan ugu cibaadeystaan masaajida xiliayada habeenkii ah .

Dhanka kale teliyaha booliska soomaaliyed ayaa kawarbixiyey xaalada amni ee gobolka banaadir iyo guud ahaan gabolada dalka wuxuuna sheegey in ay xaaladu aad u wanaagsan tahay ayna sii wadi doonaan xoojinta amniga dalka.

Maalmihii lasoo dhafey ayaa lagu soo waramayaa in amaanka mugadisho isbedel weyn sameyey walow ay weli jirto khatar amni.

Xafiiska Mogadisho

Tebiyenews.com 9ǒ^�A,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here