Warar ay heshay Tebiyenews ayaa sheegaya in Nuur Cadde uu ku dhacay xanuunka Coronavirus, oo ku fiday dalka uu ku noolyahay ee UK iyo guud ahaan caalamka.
Nuur Cadde oo 83 sano jir ah ayaa sanadihii 2007 iyo 2009 ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda KMG dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf.
UK ayaa ka mid ah dalalka uu sida aadka ah u sameeyey cudurka Coronavirus, waxaana xusid mudan in Soomaali badan oo ku nool dalalka caalamka uu ku dhacay, haba ugu badnaadaane Soomaalida ku nool dalka Sweden, oo noqday dalka ugu badan oo muwaadiniin Soomaaliyeed ay ugu geeriyoodeen cudurkan loo bixiyey COVID-19.