Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Ku Amray Ciidamada Inay Ka Amarqaataan Xukuumada

0
18

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo qalab warbaahinta kala hadlay shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xiisada siyaasadeed ee dalka ka jirta gaar ahaan go’aankii xalay uu gaaray Farmaajo ee uu ku sheegay in shaqo joojin uu ku sameeyay ra’iisul wasaare Rooble isagoo markii ugu horeysay laga maqlay Ra’iisul Wasaare Rooble oo ugu yeeraya Farmaajo Madaxweynihii hore ee dalka.

“Talaabooyinkii uu qaaday madaxweynihii hore ee soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo inay tahay isku day afgambi oo bareer ah oo lagu afgambinayo dowladnimada,dastuurka iyo sharciyada dalka u yaal.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Farmaajo waxa uu ku xadgudbay shuruucda dalka waxana uu weerar ciidan kus oo qaaday xafiiska Ra’isul wasaaraha iyo golaha wasiirada isagoo isku dayay inuu ka horistaago gudashada waajibaadkiisa qaran.”ayuu yiri Rooble.

Rooble ayaa tallaabooyinka uu qaaday Farmaajo ku sheegay inay yihiin kuwa lagu carqaladeenayo doorashada dalka ka socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here