Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Haweenka Soomaaliyeed Ugu Hambalyeeyey Maalinta Caalamiga Ah Ee 8da Maarso

0
2

Muqdisho, Maarso 08, 2021; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo ku aaddan maalinta caalamiga ah ee Haweenka adduunka, u diray haweenka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qiray kaalinta haweenku ay ku leeyihiin dhismaha qaranka, daryeelka bulshada iyo badbaadin bulshada oo door wax ku ool ah ay ka qaataan, dowladduna ay xaqiijinayso ilaalinta qoondooda 30%.

“Maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso awgeed, Waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan Haweenka Soomaaliyeed oo aan uga mahadcelinayo kaalintooda nafhurnimada,kartida, hagar la’aanta iyo daacadnimada ku saleysan ee ay kaga jiraan dhismaha qaranka & dhan kasta oo nolosheenna ah”.

Eng. Rooble ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marna aqbalayn tacadi lagula kaco haweenka Soomaaliyeed, una taagan tahay ilaalinta xaquuqdooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here