Ragii ka dambeeyay dilka taliyihii ciidanka gor gor oo xukun dil ah lagu riday

0
9

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukuno kala duwan oo isugu jira dil iyo xabsi ku riday afar askari oo ilaalo ka ahaa hotelka Maa’ida oo dil u geestay taliyihii ciidamada kumaandooska ee loo yaqaan Gor Gor.

Afartan nin ayaa maxkamada ku heshay in iyagu ka dambeeyeen dilka taliyihii ciidanka Gor gor Maxaadeey Saleebaan Eebakar oo 18-kii Bishii Octoober ee sanadkii 2019kii isaga iyo askari ilaalo ahaa oo lagu dilay afaafka hore ee Hotelka Maa’ida oo ilaalo ka ahaayeen.

Maxkamada ayaana xukun dil toogasho ah ku riday dable xoogga Xasan Shuute Cismaan iyo Dable Boolis Juule Gaabow Ibraahim oo lagu helay in dilka ka dambeeyeen, halka  min 5-sano oo xabsi ah ku riday Salaad Xeyle Macalin iyo Mukhtaar C/llaahi Muuse

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in raggaan maxkamadeyntooda ay soo martay heerar kala duwan,isla markaana ugu dambeyn Maanta go’aan laga gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here