Rag Hubeysan Oo Weerar Ku Qaaday Kolonyo Uu La Socday Guddoomiyaha Qoryooley.

0
24

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow deegaan ka tirsan Gobolkaas lagu weeraray Kolonyo uu la socday Guddoomiyaha Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarka oo ahaa mid dhabo-gal ah ayaa Guddoomiyaha iyo Kolonyada uu la socday waxaa uu ku qabsaday xili ay marayeen deegaan lagu Magacaabo Danow, iyagoona ka  yimid dhanka Magaalada Marka kuna sii jeeday Degmada qoryooley.

Rag hubeysan oo loo mareynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa la sheegay in weerarka ay ku qaadeen Guddoomiye Sayid Cali Ibraahim, waxaana weerarka ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weli si rasmi ah looga Khasaaraha rasmiga ee ka dhashay weerarkaas, hayeeshee waxaa la xaqiijiyay in uu jiro Khasaaro kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here