QOROMO CAJIIB AH: HA DEEGAAN DOORASHO (SINGLE CONSTITUENCY) XAL MISE EEX

0
70

hal deegaan doorasho (Single constituency) xal mise eexeysi.!!

inkastoo weli aysan jirin Nidaam Doorasho oo si rasmi ah losoo bandhigay, hadane waxaa jirra heshiis laga garaay hannaanka loo yaqaan Matalaadda Isku-Dheelli-tiran ee Liiska Xiran, (Proportional Representation, Closed List system)

Waxaase weli lagu kala duwanyhy aragtida in la qaato hal degaan doorasho” ama lix deegaan doorasho (shanta Maamul-goboleed iyo Muqdisho).

DFS ayaa riixeysa hanaanka doorashada 2020-2012 in la qaato habka in dalka oo dhan loo aqoon-sado hal deegaan doorasho (Single constituency) isla markaana xisbiyadu ay liis xiran ku soo gudbiyaan 275 tartame xildhibaan oo aqalka hoose ah iyo 54 tarmate ee aqalka sare ah taas oo ka dhigan in xisbi walba uu soo qoranayo isu geynta labada aqal 329 siyaasi oo Soomaali oo dhan ah yacni waafaqsan habka qabaa’ilka, (4.5 power sharing system)

“Habka natiijada” Tusaale xisbiga helo boqolkiiba konton (50%) codadka dadweynaha, ayaa ka dhigan in xisbigaasi uu tiradda guud ee xildhibaanada ka helayo 50% ama boqoleyda qiyaastii 137 xildhibaan, (waana taa sawabta loo yiri matalaadda isku dheeli tirran oo loola jeedo tirada cadodka dadweyne uu xisbi kastaa helo ayaa kuraasta loogu jaan-goynayaa).

”Su’aal suurta-gal ah in aad isweydiiso”
Siyaasiyiinta ma aqbalayaan booska ama nambarka ay ka geli donaan liiska xiran ee xisbiyada yacni tartamayaasha kuraasta BFS tusaale nambarada 290-aad 300-aad ama 180-aad iyo wax lamid, suurta-gal ma tahay in ay dood ka dhalato cidda galeysa namberadda hore ee tartamayaasha xisbiyada yacni Num 1-aad ilaa 20-aad madamaa marka ay wax helidu joogto uu ka rajo dhawyhy qofka heysta namberka 250-aad.}

”Hal degaan doorasho” tanni waxay ka dhiganthy in tirro dad ah oo loo jaangooyay si siman (hab isla eg ah) laga soo qaadi doono DG-yada iyadoo la isagu keenayo Muqdisho oo noqoneysa meesha kaliya Dalka oo ay ka dhacayaan Doorashooyinka Qaran.

Nidaamkaan (Single constituency) ayaa ogolaanaya in si kaliya ah ay hanaanka doorashada u hagaan Guddiga Doorashooyinka Heer Qaran, waxaana tanni ay meesha ka saareysaa sahmeynta Maamul-goboleedyada ee Doorashada, habkaan ayaa u xaglin karra Xukuumada taldda geysta oo tartanka qeyb ka ah bacdamaa ay sahmeyn toos ah ama mid dadban ay ku yeelan karaan doorashada Xamar.

6 deegaan doorasho (shanta Maamul-goboleed iyo Muqdisho),

Waa fursad soo dadajin karta in goor horaba heshiis wada ogol ah laga gaaro hanaanka Doorashada Dalka, sidookale-na yareyn karta qilaafka gudaha xisbiyada.

Aragtida 6 deegaan doorasho waxay sahleysaa hanaan doorasho oo qilaaf yar, sidookale waxay fursad siineysaa shacabka iyadoo xisbi walba uu ka tartamo Gobol kasta yacni DG-yada) tusaale KG” xisbi walba waxaa uu reer Koofur-galbeed u geynayaa liis xiran oo ay ku qoran yihiin tirada hadda Koofur-galbeed baarlamaanka ugu jirta 69 xildhibaan,si lamid ah Kuraasta Maamuladda kale, 37-ka kursi ee Puntland taalla, 37 Hirshabeelle, 39-ka Jubaland, iyo 36-da Galmudug taas oo ay xisbiyadu ku tartamayaan.

”Xal” Haddii gobol kasta kuraastiisa si toos ah loogu tartamo, siyaasiyiin badan ayaa aqbalaya (ama iimaan-sanaya) in liiska 39-ka ah (Jubaland) ama 37-da ah (Hirshabeelle) ay aqbalaan in lagu qoro nambarka 25-aad ama 30-aad liiska xisbiyada ee kuraasta, balse aan aqbaleyn marka ay noqoto hal degaan doorasho in ay liis 329 ah, ka noqdaan murashaxa 80-aad ama 60-aad, si lamid ah waxaa sahlanaanaya is wafajinta habka wax qeybsiga power sharing system.

FG: waxaan aminsanhy hadii la helo xasilooni siyaasadeed in waqtiga yar ee haray lagu qaban karro doorasho dadweyne ama wax ka duwan hanaan dadban tii 2016-ka.

Hadii aad rabto faahfaahinta hanaanka PR Proportional Representation, Closed List system) booqo page-ka MC Heritage oo aan anigaba kasoo dheegty inta badan faahfaahinta Warbixintaan.

W/Q: Mahat Bashir Gaalaguul

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here