QOROMADA ODAWAA & QALADAADKA DF

0
25

Wasiirkii Hore ee arimaha Gudaha iyo Federalka ahna Xildhibaanada Golaha shacabka mudane Musharax Cabdiraxmaan Odawaa ayaa qoromo cajiib ah kasameeyey xaalada cakiran ee gal mudug.

Musharaxan oo kamid ahaa tartamayaashii ugu cad cadaa doorashadii lafilayey in ay kadhacdo Galmudug ayaa isaga harey kadib markii dhoor doorasho oo iska soo horjeeda kadhaceen deeganada Galmudug.

Mr. Odowaa ayaa warkaan ku qorey Boggiisa Facebook ga wax yar uun kadib markii doorasho seddexaad kadhacdey magaalada dhuusamareeb taas oo horey loo ogaa qofka kusoo baxaya.

“Waxa aan qeyb ka noqon donaa Xalinta Galmudugyada badan oo ay abuurtay dowladda Federaalka ah.

Maanta waxay Dowlad goboleedka Galmudug ugu suntantahay maalinta taabba galinta kala qaybsanaanta iyo kala irdhowga bulshada. “Madaxweyne” saddexaad ayey dowladda Federaalka ahi ku magacaowday caasimadda Dhuusamarreeb.

In Galmudug yeelato saddex Madaxweyne waxaa masuuliyaddeeda iska leh Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha dalka, Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre. Sida la wada ogsoon yahay, labadan mas’uul waxay muddo sanad ku dhow ka shaqeynayeen inay Galmudug ka sameystaan maamul ay gacantooda ku samaysteen.

Waxaan dhammaan waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo saamileeyda siyaaasadeed ee ree Galmudug iyo sadaxda garab ee hadda saakay Galmudug u qaybsanthay inaan isugu nimaad sidii hal maamul loo dhisi lahaa.

Mar walba waxaan u taagnaan doonaa halhayskaaygii ahaa “Galmudug mid ah”

Waan sii wadi doonaa wixii adeeg iyo horumar ah ee aan deegaanka ka waday ama aan la jeclaa”.

Cabdiraxmaan Odawaa ayaa lagu xasuustaa in uu ahaa wasiirkii arimaha Gudaha iyo Federalkii Dowladii hore waxaana lagu amaanaa in uu kuguuleystey dhisidii inta badan maamul Goboleydyada Dalka sida Jubaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle oo ugu danbeysey.

DF soomaaliya uu Hogaamiyo MD Farmaajo ayaa lagu dhaliilaa inay ku fashilantey in doorasho wada ogol ah kasameyso xittaa hal maamul Goboleyd.

Siyaasiyiin badan ayaa aaminsan in dowalada hada Jirta ay ku guuldareysatey u cadaalada falida muwaadaniinta soomaaliyeed ee masuulka utahay waxaana inta badan dowladu lasafataa shaqsi aanan buuxin indhaha shacabla ayadoon si qasab ah oo awood sheegasho ah usoo saarta shaqsiga ay dhibasanayaan Bulshada Deegaankaasi.

Hadaba akhriste dowladu muku saxantahay in muwaadiinta soomaaliyeed nin jecleysi kasameyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here