Kulan dhinaca Mareegta Internet-ka ah ee (Video Conference), ayaa waxaa uu dhex-maray Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb, James Swan,Danjiraha Midowga Afrika & Urur Goboleedka IGAD,kaas oo looga hadlay Arrimaha Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo kordhin lahaa waxyaabaha ugu weyn oo ay ka caawiyaan Soomaaliya,waxaana War lagu daabacay Barta twitter-ka ee Howlgalka QM lagu sheegay in kulankaada ay hehsiis ku gaareen.
“Waxaan ku faraxsanahay in maalmihii la soo dhaafay aan saxiixnay Heshiis Isfaham oo u dhexeeya AMISOM, IGAD iyo UNSOM, oo aan ku xoojineyno iskaashigeenii hore iyo iskaashiga aan ku taageernay hay’adaha iyo dadka Soomaaliyeed ayaa lagu yiri” Qoraalka UNSOM.
Xubnaha yeeshay Shirka ay uga hadlayeen Arrimaha Soomaaliya ee UNSOM, Midowga Afrika iyo IGAD ayaa dhamaantood waxaa ay Soomaaliya ka caawiyaan arrimo badan,sida Gargaarka iyo Amniga.