Qaraxyo & rasaas hada laga maqlay Magaalada Kismaayo qeybo ka mid ah

0
28

Wararka caawa laga helayo magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in qarax uu ka dhacay goob ku taalla bartamaha magaalada oo ay ku caweynayeen dad u badan dhallinyaro.

Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad u badan dhalinyaro oo halkaas ku sugnaa, waxaana la sheegay in goobta uu qaraxu ka dhacay ay aheyd biibito lagu cayaarayey Dublad.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Tebiyenews u sheegay in qaraxaas loo adeegsaday Bam gacmeed lagu weeraray maqaaxida oo ku taalla bartamaha magaalada Kismaayo, gaar ahaan isgoyska Golol.

Weli si rasmi ah looma xaqiiji karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas, waxayna dadka noo waramay ay sheegeen in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, dadkii ay wax yeeladu soo gaartana loola cararay isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here