Qaraxyadii ka dhacay Lebanon Khasaaraha oo sii kordhaya iyo dowladda oo dalbatay gurmad caalami ah

0
5

Waxaa isi-soo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxyo waa weyn oo gelinkii danbe shaley gil-gilay magaalada Beirut ee caasimadda dalka Lebanon, kuwaas oo ka dhacay gudaha bakhaarro ku yaalla meel u dhaw dekedda weyn ee Beirut.

Ra’iisul wasaaraha dalka Lebanon Xasan Diab oo dadka la hadlay ayaa sheegay in dowladdu ay xaqiijisay geerida 30 qofood iyo dhaawayada 300 oo kale, isla markaana uu weli socdo gurmadka dadka looga soo saarayo dhismayaasha burburay hoos tooda.

Sidoo kale R/Wasaaraha ayaa dadka reer Lebanon ka dalbaday inay isu gurmadaan, si loo badbaadiyo dadka dhaawacmay iyo kuwa weli burburka ku hoos jira.

Dhibaato rabaani ah ayuu u sheegay dadkiisa inay ku dhacday, isla markaana ay ku qancaan qadarta Rabbi, iskuna gurmadaan, isaga oo u balan qaaday in dowladdu ay dadaaleyso inta karaankeeda ah.

Ra’iisul wasaare Xasan ayaa dowladaha caalamka intooda awooda ka dalbaday inay u soo gurmadaan oo ka gacansiiyaan sidii dadka ku nool magaaladan ay dhibaatadu ka dhacday ee Beirut loo samata  bixin lahaa.

Muuqaal la duubay markii uu dhacay qaraxii koowaad ayaa muujinaya uuro cirka ku shareeran iyo qaraxii labaad oo dhacaya, gabi ahaanba dhismayaashii ku teedsanaa dekedda Beirut ayaa burburay.

Illaa hadda waxaan si rasmi ah loo ogeyn waxa qarxay, hasa yeeshee warar hor dhac ah ayaa sheegaya in laba bakhaar oo ku yaallay gudaha dekedda ay ku keydsanaayeen kiimikooyin u nugul inay qarxaan.

Musiibadan ka dhacaday Beirut waxay ku soo aaday, iyadoo la filayo in maalinta Jimcaha ah ee soo socota ay maxkamadda sare ee dalkaas go’aan ka soo saarto xukunka dilkii Ra’iisul wasaarihii hore Lebanon Rafik al-Xariri, kaas oo la dilay sanadkii 2005-tii.

Afar eedeysane ayaa loo heystaa dilka Ra’iisul wasaare Rafiiq, kuwaas oo dhamaantood ka tirsan ururka Xisbullah oo ay taageerto dowladda Iran. Inkastoo Xisbullah ay aad isaga fogeysay dilka Xariiri.

Waayihii dambe dalka Lebanon waxaa hareeyey dibadbaxayo looga soo horjeedo dhaqaale xumadii ugu darnayd oo taagan, tan iyo dagaalladii sokeeye ee dalkaas ka dhacay, sanadihii 1975-tii illaa 1990-kii, waxaana qaraxyadan loo maleynayaa kuwo siyaasadeysan.

Waxaa sidoo kale maalmahan ay dhibaato ka taagnayd xadka ay Lebanon la wadaagto Israa’iil oo toddobaadkan uu ka dhacay isku day ay ururka Xisbullaah ku dooneyeen inay gudaha u galaan dhulka Israa’iil.

Hoos ka daawo hadal jeedintii ra’iisul wasaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here