Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare geystay oo goor dhaw askar ka tirsan ciidamada dowladda lagula beegsaday degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Qaraxaas oo nuuciisa lagu sheegay miino la dhigay wadada dhinaceeda ayaa ka dhacay inta u xadheysa isbitaallada Digfeer iyo Banaadir ee degmada Hodan.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in qaraxaas uu haleelay gaari Cabdi bile ah oo wadada marayey, waxaana ku dhintay laba askari oo gaarigaas la socotay iyo qof kale oo la sheegay in uu ahaa darawal mooto Bajaaj.