Qaramada Midoobay oo ku baaqday in si deg-deg ah loo joojiyo xiisada ka jirta Muqdisho

0
19

Qaramada Midoobey ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo xoojiyo isku dhacyada ka socda Muqdisho ee saacaddihii lasoo dhaafay ka dib markii ishoristaag lagu sameeyay shacabka banaanbaxa ka dhigaayay Muqdisho ee kasoo horjeeday dowladdii waqtigeedu dhamaaday.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in la isugu yimaado shir deg deg ah oo looga hadlaay xaaladda hadda taagan.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay aad uga walaacsan tahay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhaca xalay iyo saakay oo jimco ah, waxa ayna ugu baaqeysaa deganaan iyo is xakameyn dhinacyada ay khuseyso, waxa ayna boorrineysaa in ay furnaato waddada wadahadalka si loo yareeyo xiisadaha.”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay.

“Waxa ay muujinayaan isku dhacyada ka dhacay caasimadda sida loogu baahan yahay in degdeg loogu qabto kulan ay isugu yimaadaan Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka si ay heshiis siyaasadeed uga gaaraan hirgalinta qaabkii doorasho ee 17-kii Sebteembar” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay qoraalka kooban ee UNSOM.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka jirta xiisad ka dhalatay banaanbax ay midowga musharaxiintu ku baaqeen in maanta lagu qabto Muqdisho hase yeeshee dowlada fedralka ayaa ishortaag ku sameysay banaanbaxa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here