Qaramada Midoobay oo ka hadashay geerida Drs Xaawo Cabdi

0
4

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa waxaa ay hadleen gaarida ku timid Drs Xaawo Cabdi oo dalka Soomaaliya kasoo shaqeeysay xilliyo adag oo ay dalka kajireen duruufo kala duwan.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay dadka Soomaaliyeed la qeyb sanayaan murugada geerida naxdinta leh ee ku timid Dr. Xaawo Cabdi – oo aheyd haweeneydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay ee ku takhasustay cudurrada haweenka.

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxa uu la qeybsanayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed murugada geerida naxdinta leh ee ku timid Dr. Xaawo Cabdi – oo aheyd haweeneydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay ee ku takhasustay cudurrada haweenka, sidoo kalana aheyd qof dunidu aqoonsatay doorkeeda dhanka bani’aadamnimada – waxa ay aheyd qof had iyo goor ka hormarisa waxkasta baahiyaha dadkeeda. Qaramada Midoobay waxa ay tacsi tiiraanyo leh u direysaa qoyskeeda, saaxiibadeeda iyo asxaabteeda ka howlgasha Xarunta Caafimaadka ee Dr. Xaawo Cabdi.

Drs Xaawo Cabdi dhiblaawe ayaa waxaa ay hadda Xarun Caafimaad ku leedahay degaanka Xaawa Cabdi ee duleedka Magalada Muqdisho, halkaas oo Haweenka iyo carruurta si lacag la’aan ah loogu adeego.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here