QAAR KAMID AH ODAYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED AMAR DULDHIGEY MADAXWEYNE LAFTA GAREEN

0
30

Shir ay isugu yimaadeen qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ka soojeeda koonfur galbeed ayaa waxaa maanta kadhacey magaalada baydhabo, shirka ayaa sikulul looga dhaliiley madaxweynaha xilka haaya mudane cabdicasiis Xasan  maxamed kaftagareen.

Odahsyaasha ayaa madaxweyne lafta gareen ku eedeyey in uu balantii uga baxey, balantaas oo eheed in si deg deg ah loo soo daayey muqtaar robow cali oo dowlada soomaaliya u xiran.

Shir ay isgu yimaadeen horaantii sanadkaan madaxweyne laftagareen iyo guddoomiyaha baaralaanka soomaaliya ayaa balan qaadey in aysan xamar kasoo tagi doonin ilaa ay keenaan muqtaar robow hase yeeshee balanqaadkaasi waxba kama suura galin.

Odayashada dhaqanka oo shirkooda u muuqdey mid xasaasi ah ayaa digniintii udanbeysey udirey madaxweyne laftagareen, waxeyna uqabteen mudo 15 maalmood ah in uu kusoo daayo hadii muqtaar robow abuu mansuur oo ahaa musharax dowlada soomaaliya xiratey.

Afhayeen lahadley saxaafada ayaa madaxweynaha ku eedeeyey in xilalka ugu badan koonfur galbeed beeshiisa kusaftey, afahyeenka oo lahadley Dalsan Tv ayaa ku habjebey dagaal hadii dalabka odayaasha lafulin waayo.

Madaxweyne cabdicasiis laftagareen ayaa noqodey dherigii labada dhinac kagubtey oo shacabk koonfur galbeed waxey moodayaan in uu Roobow isaga u xiran yahay soona deyn karo balse arinta ayaa taa kaduwan cabdi casiis awood uma lahan xitaa in uu ka hadlo kiiska roobow sida ay sheegayaan ilo kudhow dhow villa soomaaliya laftagareen lagu canaantey balanqaadkii uu saxaafada kusheegey waxaana looga digey in markale sidaas oo kale ufududaado.  

Odaasha ayaa u muuqda kuwa dulqaadkooda dhamaadey hase yeeshe waxaa mrkasta muhiim ahin laga wada shaqeeyo nabada ummada soomaaliyeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here