QAAHIRA(TEBIYENEWS)-JAAMACADA CARABTA OO MOWQIF ADAG KA ISTAAGTEY QADIYADA BADDA SOOMAALIYA.

0
29

Kulan ay ku yeesheen jaamacada carabta magaalada Qaahira ee dalka masar ayaa maanta si weyn uga hadley mowqifkooda ku aadan muranka Badda Soomaaliya iyo Kenya.

Jaamacada carabta oo xubin ka ah dalka soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in ay kenya gardaro qaawan ku wado dalka soomaaliya.

Kenya waa in ay ilaalisaa madaxbanaanida, isla markaana ay kashaqeysaa daris wanaaga ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxey shirka jaamacada carabta maanta oo arabaco ah ay ku yeesheen dalakan masar.

Dalalka islaamka iyo jaamacada carabta ayaa u arka in kenya ay soomaaliya kaga faaideysaneyso burburkii iyo tabar tarida dowlada soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here