Puntland oo ka jawaabtey Eedeyn loo jeediyay

0
5

Maamulka Puntland ayaa shaaciyey in marnaba aysan xayiran in Badeecadsha kasoo dega Dekadda Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari loo qaado deegaannada kale ee ka baxsan Puntland,hayeeshee hadallo kasoo baxay si kale loo fasiray.

Qoraal kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland,iyada oo ilaalineysa badqabka dadkooda ay ku dhawaaqday in cuno ay u baahan yihiin Reer Puntland aan loo qaadin meelo kale,balse dad badan ay sikale hadalka u dhigeen.

“Puntland, iyada oo illaalinaysa xuquuqda macaamiisha ayay qaadatay tallaabooyin ay ka mid yihiin in aan la kaydin karin cunnooyinka asaasiga ah, la kordhin karin sicirkooda , isla markaana cunnadii lagu quudan jiray gudaha Puntland aan loo rari karin degaanno kale si looga sameeyo macaash dheeri ah, iyada oo si xun loo isticmaalayo duruufaha caafimaad ee taagan iyo baahida bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogto ayaa lagu yiri”Qoraalka Puntland.

Sidoo kale Puntland ayaa sheegtay inaysan xayirin, xayiri doonina badeecada dadka Soomaaliyeed kala soo degaan dekadda Boosaaso,isla markaana Puntland aysan wax canshuur dheeri ah soo rogin badeecada u socota gobolka kale.

Taa baddalkeeda xaaladda Caafimaad ee jirta awgeed Puntland waxay cashuurta ka dhaaftay badeecaddaha quutul-daruuriga ah ee kasoo dega Boosaaso, iyadoon loo eegayn meesha ay u socoto ama Boosaaso ha u socoto ama Beledweyne ayaa lagu sheegay qoraalka Puntland.

24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa aad loo hadal haayay Wararka ku saabsan in puntland ay xayirtay Badeecadaha loo soo qaado deegaannada Galmudug iyo Hir-Shabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here