Puntland oo ka jawaabtay eedeyntii Wasiiradda Federaalka ee kasoo jeedda Puntland

0
9

Maamulka Puntland ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii shalay kasoo yeeray Wasiiradda dowladda Soomaaliya ee ku sugnaa Magaalada Garowe oo sheegay in Qodobadii kasoo baxay Shirweynihii Puntland ay kasoo horjeeddaan.

Wasiiro uu ka mid yahay Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhamancad oo Warbaahinta kula hadlay Garowe ayaa sheegay in aysan jirin saameyn ay ku lahaayeen Wasiiradda dowladda Shirka.

Waxa ay sidoo kale sheegay in tahay wax laga naxo hadalkii shalay kasoo yeeray Wasiiradda  dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Wasiirradu waxay kale oo sheegeen in safarka madaxweyne Deni ee Xamar uu keliya yahay gogol xaadhka shirka Puntland ku baaqday ee dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.

Waxay sheegeen in madaxweyne Deni aanu wada-hadallo hadda la yeelanayn madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Kheyre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here