PM KHEYRE OO LAGU LASHEEGEY IN HADALADIISA COPY AYIHIIN

0
32

Khudbooyinka Ra,iisul wasaaraha somaliya mudane Hassan Ali kheyre meelo Kale ayuu kasoo Maanguuriyaa,

Khudbad uu jeediyey Brak Obama aya Raisul wasaaraha Soomaaliya Afsoomaali ahaan u turjumey waxaana maalmihii lasoo dhaafey wareegaayey baraha bulshada video- ga Brak Obama iyo hadalka Raisulwasaare kheyre oo isfasiraya.

Tusaale wuxuu Safar ku Tagaayaa magaalada Caadudwaaq wuxuu Halqabsigiisa yahay Ereyga layiraahdo C wuxuuna leeyahay Caabudwaaqey ma Nabadbaa magaaladii Gabdhaha Cas Caseydeey ma Nabadbaa ,

Marka uu magaalada Caabudwaaq kasoo Tagey wuxuu haddana imaadey magaalada Xeraale haddana isla Ereygaan ayuu yiri

Xeraaleey ma Nabadbaa magaaladii Xadaaradaay ma Nabadbaa magaaladii Xifdinta Quraankaay ma Nabadbaa magaaladii Xirtaay ma Nabadbaa,

Hassan Ali kheyre magaalada Xiraale haddana wuu kasoo Tagey oo wuxuu mar kale ku Soo Noqdey magaalada dhuuso mareeb haddana Sidaan ayuu yiri

Dhuuso mareebeey ma Nabadbaa magaaladii Caanaha Dhaaydaay ma Nabadbaa magaaladii Dhaxantaay ma Nabadbaa Bal hadda Ogaada Hassan Ali kheyre khudbooyinkiisa oo dhan waa maanguuris

Ereyada la isku Qab Qabto oo la isku Ekeysiiyo waxaa ku Caan ah Abwaaniinta marka Ra,iisul wasaare Hassan Ali kheyre wixii ay Abwaaniinta noo Sheegeen kaliya ayuu Soo Maanguuriya kaddibna magaalada uu Tago magaceeda ayuu Horey kala Qabsadaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here