Odoyaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed oo Addis Ababa ku wajahan

0
22

Dowlada Itoobiya ayaa martiqaad qaasa u fidisay Malaaqyada iyo Ugaasyada beelaha Digil iyo Mirifle. Odayaasha dhaqanka ayaa inta ay joogaan magaalada Madaxda dalka Itoobiya ee Addis Ababa  kula kulmi doono qaar ka mida mas’uuliyiinta dalka Itoobiya.

Safarka malaaqyada ayaa lagu sheegay in uu la xiriiro arimaha Amniga ee degaanka Koonfur Galbeed oo ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya. Maamulka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaan laga tala galin  martiqaadka loo fidiyay beelaha Digil iyo Mirrifle.

Dhanka kale Dowlada Itoobiya ayaan wax wada tashi ah kala sameeynin dowlada Fedaraalka safarka malaaqyada. Dowlada Itoobiya ayaa xiriir hoose la leh beelaha Digil iyo Mirrifle, mana aha markii ugu horeeysay oo hoganka dhaqanka Digil iyo Mirirfle martiqaad ay u sameeyso dowlada Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here