Nuhurka Qudbad uu Wasir Sabriye hada ka jeediyay Dhusamareb.
- In Dowlada Dhexe ay Ahlusunna – ASWJ kula xishiisay in ay soo xushaan 35 Xildhibaan, taas oo ay ASWJ shardi uga dhigtay wadahal in ay la furto Dowlada Federalka.
- In aysan ka inkirsaneeyn in ay kula hishiiyeen 35 Xildhibaan in ASWJ si gaar ah u soo xulato lkn taas badalkeed ay diyaar u yihiin sidii loogu qancin lahaa Odayaasha dhaqanka Galmudug qoondadaas. Waase hadii ASWJ arrinkaas diyaar u tahay.
- In Dowlada shisheeye oo warqado loo qoraa aysan waxba ka badali doonin mowqifka Dowlada Federalka ee ku aadan Dowlad dhisida Galmudug.
- In sidookale ay ku hishiiyeen in Wasaarda Arrimaha Gudaha & Madaxda Galmudug (oo ka kooban Madaxweeyne Xaaf & ASWJ) soo wada dhisaan Gudigada Farsamada & Doorashooyinka Galmudug. Lkn ASWJ ay saluugtay tirada looga qoondeeyay in ay Gudiga ku soo darsadaan.
- In aysan Dowlada Federalku marna u hakineeynin hanaanka Dowlad dhisida Galmudug rabitaanka qof ama koox gaar ah.