NISA ma Hey’ad Qaranba mise waa Mid u adeegta Danaha Madaxweynaha JFS

0
12

Bilaawga Dhismaha Heyada Sirdoonka & Nabadsugida Qaranka waxaa lagu aasasay cutubyo ka tirsan CXDS iyo Ciidanka Booliska Qaranka,

Wixii ka danbeyay Aasasideeda waxaa ay ka shaqeyn jirtay ineey soo basaasto dadka dhaliisha u qaba dowlada ama ay ku fuliso dilal qorsheysan mucaaradka Dowlada,

Suaasha inta badan la iswaydiiyo NISA maleedahay sharciyad laga meel mariyay Baarlamaanka Soomaaliya ,

Jawaabta suaashaas oo fudud waa Maya , NISA malahan sharciyad Baarlamaani shaqooyinka ay qabatana lagulama xisaabtamo taasna waxaa udheer cida ay xirato waxaay heysataa inta aydoonto mana xaqdhowrto Qawaaniinta dalka u dagsan,

Haddaba Xildhibaanada JFS maxaa ka hortaagan in la sharciyeeyo NISA lana cadeeyo Doorkeeda sugida Amniga Qaranka ?

Dr. Maxamuud Culusow oo ka hadlay sharciyad laanta ay howlgasho NISA waxaa hadaladiisa ka mid ah ,

“Waxaa lagama maarmaan ah in dhammaan Xildhibannada aaminsan dastuurka kmg iyo nidaamka dimoqradiga ah, Xisbiyada ka diiwaan gashay Guddiga madaxa badan ee doorashada, bulshada rayidka, hay’adaha u dagaalammada xuquuqda Aadamiga, aqoonyahannada soomaaliyeed, iyo qaryaqaannada soomaaliyeed soo saaraan bayaan ay ku caddeynayaan 3 arrimood;

  1. In NISA aysan aheyn hay’ad sharci ah ee waafaqsan, kuna shaqeyneysa dastuurka kmg iyo nidaamka dimoqradiga ah iyo kan Federaalka ee talada dalka Soomaaliya hoggaaminaya;
  2. In dadweynaha soomaaliyeed aaminin, taagerin, la shaqeyn NISA ilaa inta laga waafajinayo kuna dhaqmeyso dastuurka kmg iyo nidaamka dimoqradiga ah oo saldhiggiisu yahay ilaalinta dhammaan xuquuqda muwaadiniinta soomaaliyeed iyo nidaamka siyaasadeed iyo sharci ee talada dalka ku saleysan tahay;
  3. In beesha caalamka aysan taagerin NISA ilaa laga dhigayo hay’ad leh sharci waafaqsan dastuurka kmg iyo nidaamka dimoqradiga ah, kuna dhaqmeyso. ”

Bayaanka waa Badbaadada nabadda iyo Qarannimada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here