Nin Haweeneey Xaamilo Ah Ku Kufsaday Deegaan Ka Tirsan Gobolka Galgaduud Oo Gacanta Lagu Dhigay+Magaca

0
6

Wararka ka imaanaya degmada Balan-bal;e ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ee ku sugan degmada in ay gacanta ku dhigeen nin la sheegay in uu kufsaday Haweeneey Xaamilo ah.

Ciidamada xoogga ayaa waxaa ay howlgal saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen deegaan lagu magacaabo Baak ee hoostaga degmada Balanbale in ay ku soo qabteen Ninkaas oo Haweeney uur leh ku kufsaday deegaankaasi.

Ninkaan ayaa lagu xiray saldhigga ciidamada dowladda ee degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud,iyaga oo saraakiisha ciidanku ay sheegeen in cadaaladda lasoo taagi doono.

Falkaan kufsiga ah ayaa la sheegay in uu yahaya kii ugu horeeyay ee ka dhaca deegaanka Baak ee hoostaga degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud,iyada oo markii ay dhacdadaan dhacday ay dadku aad uga argagaxeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here