NEW YORK(TEBIYENEWS)-ILHAN CUMAR OO BILOWDEY OL’OLE XILKA LOOGA QAADAYO TRUMP.

0
27

Xisbiga dimaquraadiga dalka mareykanka ayaa bilaabey ol’ole xilka looga qaadayo madaxweynaha dalkaasi.

Arintaan ayaa soo ifbaxdey kadib markii gar yaqaanka gaarka ah ee dalkaasi mr Robert Mueller sheegey hadii uu ogaan lahaa in madaxweyne Trump dani galin in uu soo af jari lahaa dacwada balse wuxuu sheegey in xasaanadiisa difaaceyso.

Ilhaan cumar oo katirsan xisbiga dimaquraadiga mareykanka oo aad loogu yaqaano mucaaradada madaxweyne Trump ayaa durba barteeda twetter soo dhigtey hadalka gar yaqaanka mr. Mueller ayadoona ku baaqdey ol’ole xilka looga qaadaayo madaxweyne.

Xisbiga dimaquraadiga ayaa lasheega in uu aqlabiyad ku leeyahay aqalka wakiilada loo yaqaano koongareeska, hadal xisbiga jamhuurigana lasheegey in uu heesto aqlabiyada aqalka odayaasha oo loo yaqaano senate ka.

Arintaan ayaa ka dhigeysa in labada xisbi ay isku mari waayaan xilka qaadista madaxweynaha xilka haaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here