NAIROBI(TEBIYENEWS)-XOG XASAASI AH:CIIDANKII UGU BADNAA EE ITOOBIYA OO CIIDANKEEDA BADDA KAMID YIHIIN AYAA KU WAJAHAN MAGAALOOYINKA BARAWE IYO KISMAAYO.

0
100

Sida ay, u xaqiijiyeen diblumaasiyiin kusugan dalka Ethiopia xafiiska war qabadka tebiyenews Nairobi Kenya, ciidamada Ethiopian ah oo kor udhaafaya ayaa ku wajahan dalka soomaaliya.

Ciidamadan oo lasheegey in ay kor udhaafayaan 25 kun oo askari ayaa waxaa kamid ah ciidamada Badda Itoobiya kuwaas oo lasheegey in ay ilaalinayaan heebaha soomaaliya.

Ciidamadan ayaa lasheegey in ay gaari doonaan dalka soomaaliya 20 juun aynu ku jirno ilaal 25 july ayagoona qeyb qeyb usoo galidoona.

Ciidankaan ayaa lasheegey in ay xoogooda degi doonaan magaalooyinka Baraawe iyo Kismaayo ayagoo sidoo kalana qeyb kanoqon doona ilaalada madaxtooyada soomaaliya sida ay sheegeyso xogta.

Teliye kuxigeenka NISA mudane Fahad Yaasiin Xaaji ayaa lasheegey in uu qorshahan kadanbeeyo isagoona lasheegey in uu dhoor jeer safar qarsoodi ah ku tagey dalkaasi ethiopia.

Teliye Fahad ayaa lafilayaan in uu markale aado maalmaha soo socoda dalka ethiopia si uu kulamo ula yeesho madaxda dalkaasi waxaana lasheegeyaa in uu xoogeystey xiriiirka labada dowladood ee jaarka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here