NAIROBI(TEBIYENEWS)- XAQIIQO QARSOON: DOWLADA SOOMAALIYA OO UMUUQATA MID GUUL KAGAARTEY DOORASHADA JUBALAND.

0
39

Doorashada Jubaland ayaa ku soo aadeysa xilli madaxda dowlada federalka soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Jubaland khilaaf ba’an kadhaxeeyo.

Wadahalo lai’sku dayey in lagu heshiisiiyo ayaa fashilmey kadib markii labada dhinac ismari waayeen, waxaana hada muuqata in dowlada soomaaliya iyo Axmed Madoobe arintoodu tahay ninkii raayaa reerka u haridoona.

Madaxweynaha Jubaland ayaa sameysetey guddi madaxbanaan oo u badan raggi alshaabka  isla ahaayeen oo qaarkoodaba mudo kooban kahor isa soo dhiibey arintaas oo lasheegey in Axmed madoobo uu uga gol leeyahay sidii markale usoo laaban lahaa xoog iyo xeeladba.

Dhanka kale dowlada soomaaliya ayaa ayadana dooneysa arinta Axmed mid kaduwan waxaana dowlada lasheegey in ay dooneyso in doorashada ay maamusho wasaarada arimaha guddaha soomaaliya si ay usoo saarato musharaxa ayadu rabto.

Arinta Jubaland mafududa, waxaana muuqata Axmed Madoobe in uu ku faanaayo Hub iyo Ciidan isaga daacad u ah, oo aan awoodooda ladafiri Karin walow uusan u babac dhigi Karin dowlada federalka.

Dowlada soomaliya ayaa ayadana dooneysa in ay ka faa’iideysto mandate-ka ay u haysato maamulka ciidanka Amisom gaar ahaan kuwa Ethiopia oo ayagu la ogaa koonfur galbeed wacdarihii ay kadhigeen.

Dowlada soomaaliya ayaa lasheegey in ay ka go’antahay in ay siyaasada kasaarto dhamaan siyaasiyiintii ayada ka horeeyay sidaas darteedana waxaa mar waliba la filan karaa guusha in dhanka dowlada federalka marto.

Maanta wasaarada arimaha gudaha federalka soomaaliya ayaa waxaa ay soo saartey habraac aad moodo in uu siyaasadeeysan yahay isla markaana looga gol leeyahay madaxda maamul gobaleedyada Jubaland iyo Galmudug.

Si kastaba ha ahaatee dadka siyaasadaha indha indheeya ayaa aaminsan in Axmed Madoobe Ku adkaan doonto in uu ka gudbo isbaarada dowlada soomaaliya u dhigtey, waxaana laga soo waramayaa lateliyaashiisa in ay u badan yihiin wadaado aan waxbadan kala socon  shaxda siyaasdeed ee ay dheelayaan madaxda kusoo indha furatey wadamo dimaquraadiyad iyo furfurnaan siyaasadeed jairto, wadaada siyaasada soo gala ay ku wareeraan siyaasada iyo barabagaandada ay isticmaalaan siyaasiyiinta casriga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here