Qaar kamida ciidamada xooga dalka ayaa waxa ay caawa la wareegeen qaybo ka mida magaalada Muqadishu, gaar ahaan qeybta koonfureed ee magalaada oo ah degaanada ku beegan tarabuunka, Jamacada, xaruntii hore ee bangiga dhiiga, Siliga Maraykana, iyo wadada isku xirta Ex-Kontorol.
Ciidankaan oo ku hubeysay hubka qaybihiisa kala duwan ayaa waxa la arkayay iyaga oo aagag ka sameeysay wadooyinka ku beegan degaanadaas. Waxaa wadooyinkaas lagu gooyay cagaf-cafag iyo dhagxaan. Sidoo kale waxaa dhismayaasha degaankaas ku yaalo la saaray ciidan ku hubeysan dahajeexyo iyo qorayaha lidka diyaaradaha. Waxaa sidoo kale ku soo qul-qulaya degaankaas ciidan ka soo baxay jiida hore ee dagaalka ee shabeelada dhexe.
XIGASHO:MOQDISHO ONLINE