NAIROBI(TEBIYENEWS)-SIR LA OGAADEY: DOWLADA KENYA OO SHEEGTEY IN MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA SIR KA HEYSO.

4
2772

Tan iyo markii dowlada Kenya bilowdey xad gudubyada kadhanka ah dalka soomaaliya ayaa waxaa muuqata iyo qabkii uu sheegan jirey madaxweynaha soomaaliya uu meesha ka baxey oo gacan ku gabad isku bedeley isagoo lasheegey in madaxweynaha  soomaaliya amar kusiiyey golihiisa wasiirada soomaliya in aysan kahadli Karin arimaha dalka Kenya.

Isha xogta daahsoon baaritaan ay sameysey ayaa muujinaya in madaxweynaha soomaaliya uu Kenya usaxiixiey heshiisyo wax udhimi kara madaxbanaanida soomaaliya isagoona lasheegey in uu heshiiska saxiixiisa ku xirey in maamulka Jubaland iyo maamulada kale loo maquuniyo.

Heshiiska oo goob joog ka ahaa Raisul wasaaraha Ethiopia Abey Axmed ayaa lasheegey in uu ku saab sanaa 2 block oo shidaal ah oo kuyaala  beriga soomaaliya.

Madaxweyne farmaajo ayaa Uhuuru kenyaata ku sasabtey in uu kheyraatka dalkiisa siiyo, waxaana xusid mudan markuu dalka kusoo laabtey inuusan ka hadlin walow saxaafada dalkan Kenya ay buun buunisey heshiiskaas.

Dowlada Kenya ayaa si fudud isaga dhaadhicisey in inta farmaajo siiyey in kabadan ay heli karaan ayagoona damacooda sii saa’idey.

Soomaaliya ayaa umuuqata mid maxmiyad gumeysi lugaha lagashey, ayadoo dadka soomaaliyeed been iyo saxaafad lacago lagu laaluusho indhaha looga ridey in ay ka hadlaan qaranimadoonada .

Arintaan ayaa waxaa weli ku baraarugin shacabka soomaaliyeed waxaana muuqata hadii aan waxba laga qaban in soomaaliya qaranimadeeda meel dheer laga raadin doono sida ay qabaankubaro iyo aqoon yahano ka faalooda ariamaha siyaasada.

Hogaamiyaasha beenta badan ayaa loo yaqaanaa khaa’inul wadaniyiin waxana weli muuqata in dowlada soomaaliya ay wax qabad moodo kabeen sheegid dowladnimda.

4 COMMENTS

  1. Waxa dontaba ohow qofki qoralkan sodiyriyay waxan kushegayo shaqsi ahntayda kushegayo Kenya wa dal farmajana wa shaqsi Kenya waxa iska celinkarto Somalia farmajo kaligis waxba mashegayo waxa Kenya la iskaga celin Kara inad hesato dadkado isku duban dhaqala kugu filan iyo siyasad midesan intasna ninkan mahesto marka adiga waxa laga raba inad kudadasho sidad umada fikirkaga ugu miden lehed

  2. Sxbow qoraalkaan waa mid dhibaato aad u wayn ka shaqaynaya una adeegaya dadka soomaaliya kasoo horjeeda cadawga kusoo duulay inay iska dhiso umaadana ka leexinaya wadadii ay isku haysteen cadawga soomaliya iyo hogaanka wadanka hada jooga oo go’aansaday inaysan wax jixin jijixa u muujin damacii carabta rabtay inay dalkataga curyaamiso oo ka dhigto meel gaagis ay u dhiibto sidoo kale damacii Kenya oo ayana madaxda hada joogta inay usoo dhawaysay sidii ugu saraysay markay ka waydayna kuvqaaday dagaal aad u xun.marka muwaadin adiga dalkaan adaa iska leh difaaciisuna waa kugu waajib laakiin ha fiirin shaqsi maanta jooga ee fiiri dalka mustaqbalkiisa, awalba awooda dowladnimo ayadoo xumayd ha u raacin mawjadu kusoo duulay oo raba wax yar iyo layrka kuu baxay inay damiyaan. Madaxda hada joogta waxaa u hartay labo sano laakiin dalku waa jirayaa ee dalkaaga kadaa propoganda u adeegaysa cadawga.

  3. Waligeey intaan website arkay kan mid ka been badan oo ka xun ma arag been badanna.

    Soomaliya 1000 naan sano ka hor waa jirtay waana jiri doonaa inta adoonyada ey jirto.

    Marks bal adinka buunbuuniseen masakiintaan Kenya ha La arko hadey taako Somali ah ey qaadan karaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here