NAIROBI(TEBIYENEWS)-SABABTA U BAAQDEY SHIRKII MAAMULADA KULAHAAYEEN NAIROBI OO LA OGAADEY.

0
34

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dib udhac ku yimid shirkii maamul goboleedyad dalka ku lahaayeen dalkan kenya.

Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya in dib udhaca shirka uu ka danbeeyey madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo haatan kusugan dalka Itoobiya.

Mr. Deni oo lafilaayey in uu soo gaaro dalkan Kenya maalintii shaley ayaa lasheegey in uu ka cudurdaartey shirka.

Dowlada Soomaaliya ayaa u balan qaadey Mr. Deni in loo fududeen doono heshiis yadii uu soo galey taa bedelkeedana uu isaga baajiyo shirka maamulada dalka kadhici rabey Kenya.

Mr. Deni ayaa ka cudur daartey shirka isagoona lafilaayo in uu dib ugu laabto Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here