NAIROBI(TEBIYENEWS)-QOROMO CAJIIB AH: QARAN DUMEY, QABIIL MALUGU DOWEYN KARAA, QOLONA QARAN MADIFAACI KARTAA?

0
62

Waxaa muuqata in dadka soomaaliyeed taniyo xurnimadii ay ladaalaa dhacayaan, qabayaalada taas oo noqotey gabaad madaxda soomaaliyeed ku gabadaan.

Intii xurnimada jirtey waxaa xukunka dalka qabtey madaxbadan oo soomaaliyeed kuwaas oo ubadan labo beelood gaar ahaan labao jufo.

Shacabka soomaaliyeed oo ah shacab jecel xurnimda iyo wadaniyada ayaa waxaa markasta ku qaldamaan hogaamiyaal qabayaaladu degtey kuwaas oo marka ay xilka doonayaan iska dhiga wadaniyiin uxadheeya dadka soomaaliyeed balse marka ay xilku qabtaan dil iyo faquuq ku bilaaba kuwa ayaga soo doortey ee aanu ku heeb eheen.

Hadaba, madaxweyne xasan sheekh ayaa yiri hadal taariikhda soomaaliyeed galey kaas oo ahaa in dadka soomaaliyeed aanu u baahneen hogaamiye adag iyo xukun maroorsi balse ubaahan yihiin hogaamiye dadka soomaaliyeed isku keena.

Faramaajo ee geeya qofka yiri ma ehen beesha farmaajo balse wuxuu ahaa wiil soomaaliyeed oo beeraley ahaa kaas oo ku noolaa baadiyaha magaalada tan jowhar.

Wuxuu maqley in ladoortey farmaajo waxaana looga sheekeeyey in uu yahay shaqsi wadani ah intaas ayaana kutaageerey mawaadinkaan soomaaliyeed iyo malaayiin kale oo lamidka ah.

Hadaba farmaajo ii  geeya waxey sabatey in madaxweynihii qaran ka ujawaabo dhalinyro soomaaliyeed oo isaga wax ka ogyahay dilkooda kuwaas oo nolol maalmeed kooda karaadsada wadida gaadiidka  bajaajda.

Hadaba taageeradii farmaajo wuxuu ugu aaideystey naas nuujinta beeshiisa isagoona maanta soomaali intaan beeshiisa eheen col la ah.

Hada dowlada Kenya ayaa dhulkii soomaaliyeed duulaan ku ah balse waxaan hubaa hadii farmaajo dagaal ku baaqo in beeshiisa keliya raaci doonto oo dadka soomaaliyeed aanu u arag madaxweyne qaran balse loo arko odey beeeed qabyaaladu madaxmartey.

Hadaba ka muwaadin ahaan waxaan soo jeedin lahaa si loo bedbaadiyo qaranimada laiskana celiyo dulmiga in Farmaajo uu dib u heshiisiin lasameeyo beelaha soomaaliyeed uu dulmiyeyna cafis weydiisto si dagaalka Kenya soomali oo dhan uwada gasho.

Soomaalida waxey tiraahdaan god qiyaano haqodin hadaad qodana hadheeryn kudhici doontidaaba mo ogide. Mwne farmajo waxaa lagud boon in isdabaaliska joojiyo qaranka soomaaliyeedna kadaayo daban daabada hadii kale waxaa lagaari doonaa beelo lasafta Kenya magaca soomaalina waxaa looga tagi doonaa farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here