NAIROBI(TEBIYENEWS)-MARXUUM ABWAAN SANGUB MALA DILEY MISE WUU GEERIYOODEY.

0
17

Wararka naga soo gaaraya dalka Itoobiya ayaa xaqiijinaya in uu halkaasi uu ku geeriyoodey Abwaan Sangub oo ahaa abwaan si weyn loogu yaqaaney geyiga soomaaliya.

Abwaanka ayaa lagu xasuustaa wadaniyad iyo neceebka Itoobiya.

Maalmihii lasoo dhaafay saxaafada soomaalida ayaa qoreysey in abwaanku isagoo dawo u socoda diyaaradii sidey loo weeciyey dhanka Jigjiga ismaamulka soomaalida ayadoo markii horey usocotey dalka india.

Waxaana lagu soo waramayey in abwaanka loo gacan geliyey dowlada Itoobiya.

Arintaan ayaa abuureysa in abwaanka iskiisa u dhintey iyo in ladiley waxaana soo baxaya shakiyo badan oo ku aadan geeri diisa.

Wixii xog ah dib ayaan idinku soo gudbin doonaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here