NAIROBI(TEBIYENEWS)-KIISKII DR. BURSALIID OO MEEL HALIS AH LUGTA LAGALEY IYO GARSOORAHA KIISKAN OO CODSADEY 4 MAALIN

0
35

Garsooraha Maxakamada Milimani ayaa maanta amar ku bixiyey in afar maalmood kale xabsiga lagu haayo muwaadiniin soomaaliyeed oo laba habeen ka hor ciidan sida gaarka ah utaba baran ee kenya kala baxeen guryahooda.

Dr. Ibrahim farax bursaliid, Cabdi Cali, Xuseen Xasan, Maxamuud Maxamed iyo Ibraahim Qaasim Faarax ayaa saaka kasoo muuqdey maxakamada Milimani ee magaalada Nairobi.

Muwaadiniintaan soomaaliyeed ayaa lagu eedeeyey arimo lixiriira argagixisinimo.

Garsooraha kiiskan gacanta ku haayey ayaa dalbadey in xabsiga lagu sii haayo muwaa diniintaan mudo 4 maalin kale ah.

Arintaan ayaa dad soomaaliyeed qaarkood ku tilmaameed arin siyaasadeysan oo dowlada kenya ku beegsaneyso muwadiniinta soomaaliyeed ee kusugan dalkan Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here