NAIROBI(TEBIYENEWS)-FARMAAJO GUMEYSIGA ITOOBIYA DIMOQORAADIYAD AYUU U YAQAANA, ITOOBIYANA WAY KU GUULEYSTEY QORSHIHII QARIIRADA USOO BANDHIGTEY.

0
44

Waxaa dood iyo muran xoogan kadhashey qariirad ay soo bandhigtey dowlada Itoobiya wasaaradeeda arimaha dibada qariiradaas oo ka maqaneed dalka soomaaliya.

Tebiyenews ayaa ogaatey in soo bandhigida qariirada xilligan ay ujeedeedu aheed, qiimeyn ay rabtey dowlada itoobiya in ay ogaato heerka fal-celinta kadhalan karta iyo mowqifka dowlada soomaaliya.

Shacabka soomaaliyeed ayaa aad uga dhiidhiyey waxaana baraha bulshada wada qabsadey hadal heyn iyo cambaareyn kusaabsan arintaan.

Dowlada soomaaliya ayaa weli kahadlin, waxaana moodaa in madaxda soomaaliya xilka ugu sareeya haaya ay yihiin, shisheeye aan kanaxin dhulka iyo gobonimada soomaaliyeed baasabooro ajanabina wataan caruurtoodana aanu afsoomaaliga xita aqoon.

Waxaa qariiirada soo bandhigey waa dowlada itoobiya ee ma ahan shacabka itoobiya, waxaana jawaabta lahaa dowlada soomaaliya, hase yeeshee dowlada soomaliya wey kudhiiran weysey, in ay xitaa qoraal yar sameyso.

Tebiyenews ayaa horey ugu qorey maqaal ciwaakiisu ahaa; soomaaliya goormey noqotey maamul goboleed katirsan itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee dowlada itoobiya ayaa waxaa ay ku guuleystey ujeedkeedii , waxaana u cadatey in madaxweynaha soomaaliya iyo dowladiisa gumeysiga dimoqoraadiyad uyaqaanaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here