Waxaa hada qoristooda kasocoda madaxtooyada soomaaliya labo mooshin.
Mooshinka 1aad ayaa lasheegey in ay wadaan garabka Ra’isul wasaaraha soomaaliya mudane xasan cali kheyre oo horkacaayaan Cabdiraxmaan dheere wasiir ku xigeenka duulista hawada iyo teliye kuxigeenka NISA oo ah mudane Fahad Yaasiin Xaaji.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo ifbaxaayey khilaaf xoogan oo udhaxeeya Cabdiweli Muudey Guddoomiyaha k/xigeenka Baarlamaanka soomaaliya iyo teliyaha NISA Fahad Yaasiin.
Waxaa hada lagu soo waramayaa in mooshinka ka dhanka ah gudoomiye muudey si xowli ah ugu socodo dhoor xaruumood oo kala ah Villa-Soomaaliya, Hotel Dorbin iyo Hotel Jazeera ee magaalada moqdisho.
Mooshinka labaad ayaa waxaa isna wada mucaaradaka dowlada soomaaliya iyo guddoomiye muudey waxaana looga soo horjeedaa Ra’isul wasaare Xasan cali Kheyre.
Sida ay noosheegeen ilo xog ogaal ah, mooshinka Mudane kheyre ayaa waxaa gacanta guddoomiye muudey, xildhibaan fiqi, Xildhibaan mahadsalaad iyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada.
Xaruumaha mooshinka lagu qoraayo ayaa lasheegey in ay kamid yihiin hotel shabeel magaalada moqdisho, xaruunta xisbga wadajir ee uu hogaamiyo CC warsame, Nomad hotel oo kuyaala magaalada tan Nairobi.
Xaruumahan ayaa lasheegey in ay kusoo qul qulayaan xildhibaanada mucaaradka ah waxaana sida lasheegey gacan weyn ka helayaan guddoomiye muudey isoogan lasheegey in uu hada ku sugan yahay dalka turkiga.
Madaxweynaha soomaaliya ayaan la ogeen garabka uu yahay iyo in uu dhex dhexaad ka yahay waxaana markale muuqaneysa xasarad siyaasadeed xilli dalka uu maraayo meel xasaasi ah.
Wixii kusoo kordha isha ku haay TEBIYENEWS warbaahinta xogta daahsoon.