NAIROBI(TEBIYENEWS)-DAGAALKII KHALIIJKA OO U MUUQDA MID SOO GABA GABOOBEY.

0
84

Dowlada sacuudiga  ayaa casuumaad rasmi ah u dirty amiirka dalkaasi  qadar si uu uga soo qeyb galo shir kadhici doonaa magaalda barakeysan ee makka almukarama ee dalkaasi sacuudiga.

Casuumaadaan ayaa noqoneysa tii ugu horeysey ee sacuudiga u diro dowlada Qatar tan iyo markii qaraxey khilaafkii udhaxeeyey labada dal, kaasi oo saameen ba’an ku yeshey khaliijka Carbeed oo dhan.

Asbuucii lasoo dhaafey ayaa waxaa dowlada sacuudiga sheegtey in kooxda Xuutiyiinta yaman Gantaalo kusoo weerareen sacuudiga kaas oo dowladu sheegtey in lagu bartilmaameedsanayey magaalada barakeysan ee makka almukarama.

Sacuudiga ayaa shir deg deg ah isugu yeertey dowladaha islaamka oo ay kamid tahay dowlada khilaafka ba’an kala dhaxeeyo ee Qatar.

Dadka siyaasada wadama carabta iyo islaamka  wa ka qora ayaa rajo wanaagsan ka muujinaya in labada dolwadood ay heshiis ku gaari doonaan magaalada barakeysan ee makka almukarama. hadii ay heshiis gaaraan labadan dal ayaa waxaa la aamin sanyahay in xal  siyaasadeed laga gaari doono guud ahaan gobol khaliijka oo hada dhex dabaalanaya xasarad siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here