dowladaha soomaaliya iyo Kenya oo ah labo dowladood oo deris ah ayaa hadana lasheegey in sharuudaha laga rabo shaqsiga xil loo dhiibaayo ay aad ugu kala duwan yihiin.
Waxaa saxaafada soo jiidatey arin ka dhacdey wasaarada arimaha dibada dalkan Kenya , taas oo eheed in loo diidey haweeney safiirka dalka kuuriyada waqooyi soo codsatey.
Diidmada haweyneydaan ayaa wasaaradu ku sababeysey in ay heysato labo dhalasho oo mareykan iyo kenya kala ah, isla markaana hadii ay rabto in ay xil ka qabato Kenya laga rabo in ay katanaasusho dhalashada mareykanka.
Hase yeeshee dowlada soomaaliya ayaa lasheegey in qofka ugu dhow ee xil ka qaban kara uu yahay shaqsiga heesta dhalashada wadan kale.
Madaxda dalka soomaaliya hogaamisa ayaa lasheegaa in dhmaantooda ay qurbajooga dhalasho kale heesta in ay yihiin.
Tusaale ahaan madaxweynaha soomaaliya waa soomaaliamerikan, ra’isul wasaaraha soomaaliya waa somalinorwajiyan halka gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya uu yahay soomaaliturkish.
Golaha wasiirada dhamaantooda waxaa ay heestaan dhasho labaad halka xildhibaanada soomaaliya lagu qiyaaso 90% in ay dhalasho kale heestaan, kuwa aan dalka kabixin xitaa oo xildhibaanada ah waxaa lasheegey in Kenya ama Itoobiya baasaboor kasoo iibsadaan.
Arintaan ayaa noqotey mid ay aad ugu kala duwan yihiin labadaan dal oo deiska ah.