NAIROBI(TEBIYENEWS)- ABUU MANSUUR MA DHINTEY MISE WUU NOOL YAHAY

0
65

Hogaamiyiih hore ee kooxda alshabaab kaas oo markii danbe isu bedeley siyaasi si weyn loogu yaqaano siyaasada soomaaliya isla markaana usoo istaagey qabashada xilka madaxweynaha koonfur galbeed ayaa waxaa soo if baxaya shaki laga qabo in uu nool yahay iyo in uu dhintey.

Xiriir aan lasameyney ehelada masuulkaan ayaa waxaa ay sheegeen in aysan war ka heynin nolol iyo geeri waxaa uu kusugan yahay waxaana ay sheegeen in ay jeclaan layaayeen in ay xogtiisa helaan si ay u ogaadaan caafimaadkiisa isla markaana xuriyadiisa aas aasiga ah loo soo celiyo.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya xaalada masuulkan.

Dadka qaar ayaa aaminsan in masuulkaan lasumeeyey isla markaana xaaladiisa caafimaad liidto, halka dadka qaarna ay aamin sanyihiiin in uu geeriyoodey dabayaaqadii bisha aramadaan ee lasoo dhaafey.

Dowlada Soomaaliya ayaa xoog usheegatey qabashada wadaadkaan waxaana weli lashaacin sababta aan maxkamad loo soo saarin musharaxan u tartamey dowlad Goboleedka koonfur galbeed soomaaliya hogaankeeda ugu sareeya.

Sida ay xaqiijiyeen odayaasha beesha Roobow Qaarkood in uu fiicnaa horaantii bisha ramadaanka walow ay sheegeen in jirkiisa barar ka muuqdey .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here